4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2023
Shir Dhuusamareeb ugu soo gabagaboobay Wasaaradaha Ganacsiga dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka

Arbaco, Maarso, 15, 2023 (HOL) - Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu soo gabagabeeyay shir afartii maalmood ee lasoo dhaafay halkaasi uga socday Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Ganacsiga dowlad gooboleedyada kala ah Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa mudadii uu socday dhinacyada ka qeybgalay waxay diirada ku saareen xoojinta dardargalinta wadashaqeynta Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha ganacsiga dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya iyo Wasaaradaha dowlad goboleedyada ay isla meel dhigeen mideynta naqshada iyo xogta ku qoran dukumintiyada, islamarkaana kaliya ay ku kala duwanaadaan saxiixa iyo Logada.

Shirkaan waxaa kasoo qeybgalin Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga dowlad goboleedka Puntland, taasi oo la xariirta go'aankii dhawaan Puntland ay ku sheegtay iney u dhaqmi doonto sidii dowlad madax banaan oo kale inta laga dhameystirayo Dastuurka dalka.

Hoos ka akhriso Warmurtiyeedka oo dhameystiran:-