3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2023
Wasiir Alcadaala "Dowladda waxaa ka go’an in si adag loo ciqaabo cidkasta oo Khawaarij iyo Khawaarij kalkaal ah"
 

Arbaco, Maarso, 15, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa markale shaaca ka qaaday in ciqaab adag la marsiin doono cid walba oo lagu helo iney ka mid tahay kooxda Al-shabaab ama garab u noqota.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in dowladda Fedaraalka ay ka go'an tahay la dagaalanka Ururuka Al-shabaab iyo cid walba oo la shaqeysa.

"Dowladda, waxaa ka go’an in si adag loo ciqaabo cidkasta oo Khawaarij iyo Khawaarij kalkaal ah, sidaas awgeed waa in aan dhamaanteen ka feejignaano Dhagartooda kana dheeraano nooc kasta oo xiriirkooda ah, alle ayaa mahadsan" ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Hadalkaan kasoo yeeray wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo saakay dil toogasho ah lagu fuliyay sadax nin oo ka mid ahaa kooxda Al-shabaab oo uu ku jiray sarkaal ka tirsanaan jiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.












Click here
3/15/2023 11:09 AM EST
Arbaco, Maarso, 15, 2023 (HOL) - Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu soo gabagabeeyay shir afartii maalmood ee lasoo dhaafay halkaasi uga socday Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Ganacsiga dowlad gooboleedyada kala ah Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

3/15/2023 7:56 AM EST
Arbaco, Maarso, 15, 2023 (HOL) - Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa maanta Muqdisho ka dajisay gargaar mucaawino ah oo gaaraya 800 tan.

3/15/2023 6:27 AM EST
Arbaco, Maarso, 15, 2023 (HOL) - Afhayeenka Guddida 33-ka ee Laascaanood ku sugan, ayaa sheegay in anay hirgalin xabad joojintii xukuumada Somaliland ku dhawaqday, iyo in anay wadahadal aqbalayn ilaa ciidamada Somaliland Oog tagaan.

3/15/2023 5:58 AM EST
Arbaco, Maarso, 15, 2023 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in ay deymo uga hesho hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka deeqaha bixiya.

3/15/2023 2:30 AM EST
Aqoonta cusub ee daaweynta unugyada asliga ah (stem cell therapy) ayaa waa cusub u furtay daaweynta cuduro kala duwan. Qaar ka mid ah cudurada ku dhaca indhaha ayaa ka mid kuwa lagu daaweyn karo habkaan cusub ee daaweynta unugyada (Stem Cell therapy). Haddii laga helo ogolaasho Wasaaradda Caafimaadka ee qaabilsan arrintaan, bukaano badan ayaa ka faa’ideysan karo aqoontaan cusub ee daaweynta unugyada (Stem Cell Therapy).

3/15/2023 1:17 AM EST
Arbaco, Maarso, 15, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo katirsanaa Alshabaab.