3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 14, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku tagay dalka Eritrea
 

Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho xalay ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha waddanka Eritrea, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta dalkaas.

Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yeelan doona wadahadalo diiradda lagu saarayo xiriirka labada dal iyo horumarka gobolka ee danaha labada dal.

Waa safarkii saddexaad oo uu madaxweyne Xasan Sheikh ku tagay dalka Eritrea, waxayna booqashadiisan kusoo aaday xilli qaar kamid ah ciidamadii Soomaaliyeed ee lagu tababaray dalka Eritrea ay weli ku sugan yihiin dalkaas.

Dabayaaqada sannadkii hore, labada dal ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga.

Waxa kale oo ay isla garteen in la xoojiyo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka siyaasadeed, ilaalinta iyo horumarinta danahooda qaranka, korna loo qaado xidhiidhka ka dhexeeya labadooda shacab.












Click here
3/14/2023 11:28 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday Sarkaal ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo loo heysto dilka maxbuus ka tirsana kooxda Al-shabaab.

3/14/2023 9:41 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in loo bahanyahay in wakhti xaadirkan lasoo doorto madaxweyne, iyo xisbiyo cusub.

3/14/2023 9:18 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in colaada Laascaanood ay tahay shacab reer Somaliland ah oo xukuumadoodii wax ka tabanaya, isla markaana cidii gacan ka gaysanaysa nabadaynteeda laga rabo in ay sida ku shaqeeyso.

3/14/2023 8:35 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Hooyo iyo labadeeda carruur iyo qof kaloo marti u ahaa, ayaa ku geeriyooday Hoobiye kusoo dhacay hoygooda oo kuyaalay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

3/14/2023 6:55 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - kulan dhexmaray wafti ka socda Wasaarada Dhaqaalaha ee Taiwan, iyo madaxda Wasaarada Ganacsiga Somaliland, ayaa lagaga wadahadlay iskaashi ganacsi iyo dhaqaale oo ay labada dhinac yeelanayaan.

3/14/2023 6:17 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 5 askari iyo afar qof oo ra'yid ah ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo saakay arroortii lala beegsaday guri ay daganaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka.

3/14/2023 6:08 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in aanu aqoonsanayn xuduudii Ingiriiska ee Somaliland oo ay Somaliland ku doodo in ay tahay xuduud sharci ah Afrika ku dhisantahay.

3/14/2023 2:17 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay guriga Martida degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ay daganayeen masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka Gedo iyo Saraakiil ciidan.