4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2023
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Turkiga
 

Isniin, January, 9, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Maanta magacaabay guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga.

Guddigaan uu magacaabay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la sheegay iney ka shaqeyn doonaan xiriirka iskaashi iyo saaxiibtinimada labada Baarlamaan, waxaana guddigaan uu ka kooban yahay 15 xubnood oo isugu jira labada Aqal ee Baaralamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa faray guddigan uu maanta magacaabay iney kulankooda ugu horeeya ay ku doortaan guddoomiye, guddoomiye ku xigeen iyo xoghaye.

Hoos ka akhriso Warqadda magacaabista guddigaan:-