4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 4 , 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay iney ka qeyb qaataan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab

Arbaco, January, 4, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya, Wakiillada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa uga warbixiyey mirodhalka howlgalka dalka lagaga xoreynayo Ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay sida naf hurnimada leh ee ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ay u xoreeyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galguduud, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dowladda Fedaraalka in ay ka cirib tirto dalka kooxda Shabaab ee caqabadda ku noqotay dowladnimada iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanta u mideysan yihiin xoreynta dalka, waxuuna ku adkeeyey Wakiillada Beesha Caalamka in ay ku gacan siiyaan halgankaas, gaar ahaan olalaha qaadista cunaqateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka Al-shabaab.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhankooda bogaadiyey howlgalada xoreynta ee ka socda deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan Al-shabaab, waxayna tilmaameen iney ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka deg dega ah ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan deegaannada la xoreeyey.

Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu amar kusiiyay ciidamada dowladda iney si deg deg kusoo afjaraan howlgalada ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab.