3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2023
Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaareysay kutub Qur'aanka Kariimka ah oo lagu gubay dalka Sweden
 

Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay falkii ay mas’uuliyiinta Sweden ugu ogolaadeen nin xag-jir ah inuu ku gubo safaaradda Turkiga ee magaalada Stockholm horteeda kutub ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah, Sabtidii January 21.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay tani ka dhigan tahay xad-gudub badheedh ah oo ka dhan ah xurmada diimeed iyo daandaansi lagu hayo dareenka muslimiinta aduunka oo dhan.

“In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa gebi ahaanba wax aan la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda wuxuuna u adeegaa xagjirnimada iyo argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Sweden inay qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, waxayna ku boorisay dhammaan jileyaasha beesha caalamka inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.













Click here
1/23/2023 9:37 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal ay barbar socdeen duqeymo dhanka cirka ah oo la sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen deegaanka Beer Faarax oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

1/23/2023 9:04 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa imaanshiyaha Garaad Jaamac Garaad Cali 15 sanno kadib ku yimid Laascaanood ku tilmaantay nin gurigiisii yimid.

1/23/2023 8:31 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir weynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu horay ugu baaqay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

1/23/2023 6:19 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC, ayaa maanta si ballaaran loogusoo dhoweeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ay ugu dambeeysay sannadkii 2007, xilligaas oo Laascaanood ay la wareegeen Somaliland.

1/23/2023 3:16 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaare kala duwan oo saacadahii lasoo dhaafay ku dhexmaray deegaanka Sijngaleyr oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.

1/23/2023 1:15 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah isinka guud ee beelaha SSC ayaa maanta markii ugu horreysay 15 sano kadib tagaya magaalada Laascaanood.

1/23/2023 12:23 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ku saabsan Tulli-guuleed, Jigjiga iyo Diridhabe oo maalmihii u dambeeyay ka dhex guuxayay maskaxda shacabka dowlad degaanka Soomaalida.