3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2023
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan magaalooyinka Tulli-guuleed, Jigjiga iyo Diridhabe
 

Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ku saabsan Tulli-guuleed, Jigjiga iyo Diridhabe oo maalmihii u dambeeyay ka dhex guuxayay maskaxda shacabka dowlad degaanka Soomaalida.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ka hadlay xaaladda magaalada Tulli-guuleed oo ka tirsan gobolka Faafan ee degaanka Soomaalida kuna taalla xadka uu degaanku la leeyahay Oromiya, halkaas oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in shacab Soomaaliyeed ay Oromo ku waxyeeleysay, sidoo kalena Oromo ay rabto inay qaadato dhul ku yaal Tulli-guuleed, Madaxweynuhu isagoo arrinkaas beeninaya waxa uu yiri " Dhul Tulli-Guuleed ku yaal oo ay Oromo qaadatay majiro, Isku dhac mooye xasuuq meesha ka dhacayna majirto".

Dhinaca kale Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu ka hadlay arrin kale oo ku saabsan in magaalada Diridhabe oo hadda ay wada deggan yihiin Soomaali, Oromo iyo Axmaarada la rabo in Afti loo qaado, Madaxweynuhu isagoo taa ka hadlaya waxa uu yiri " Afti Diridhabe qowmiyad kale lagu siinayo majiro", isagoo adkeeyay fikirka ah in Diridhabe ay ahaanayso un sida ay hadda tahay oo ah ismaamul gaar ah oo la wada deggan yahay.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa dhinaca kale ka hadlay caasimadda dowlad degaanka Soomaalida ee Jigjiga, oo dadka qaar aaminsan yihiin in qowmiyado kale la wareegi doonaan, iyagoo dadkaasi ka eegay dhinaca qawmiyadaha kale oo magaaladii kusoo badanaya, Madaxweynuhu waxa uu arrinkaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin, isagoo xusay in Jigjiga aysan cid kale qaadanayn balse ay ahaanayso magaalo ay cid kasta ku noolaan karto, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Sidoo kale Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu bartiisa Facebook kaga hadlay ama uu ku sheegay in talis mar dhacay oo xukunka soo hayn jiray uusan soo laabaneyn, isagoo xusay in Nidaamyada dhacay ay wakhti badan oo ilaa 10 sano ah ay ku qaadato inay fahmaan in adduunkay yaqaaneen uu tagay isla markaana uusan soo noqonayn, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.

Isu soo duuboo hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii u dambeeyay ay shacabka degaanka Soomaalidu madmadow kaga jiray arrimo dhowr ah, oo intii u badnayd Madaxweynuhu uu qoraalkiisan uu Facebookga soo dhigay kaga hadlay.












Click here
1/23/2023 9:37 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal ay barbar socdeen duqeymo dhanka cirka ah oo la sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen deegaanka Beer Faarax oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

1/23/2023 9:04 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa imaanshiyaha Garaad Jaamac Garaad Cali 15 sanno kadib ku yimid Laascaanood ku tilmaantay nin gurigiisii yimid.

1/23/2023 8:31 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir weynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu horay ugu baaqay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

1/23/2023 6:19 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC, ayaa maanta si ballaaran loogusoo dhoweeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ay ugu dambeeysay sannadkii 2007, xilligaas oo Laascaanood ay la wareegeen Somaliland.

1/23/2023 3:16 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaare kala duwan oo saacadahii lasoo dhaafay ku dhexmaray deegaanka Sijngaleyr oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.

1/23/2023 1:15 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah isinka guud ee beelaha SSC ayaa maanta markii ugu horreysay 15 sano kadib tagaya magaalada Laascaanood.

1/23/2023 12:33 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay falkii ay mas’uuliyiinta Sweden ugu ogolaadeen nin xag-jir ah inuu ku gubo safaaradda Turkiga ee magaalada Stockholm horteeda kutub ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah, Sabtidii January 21.