4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 22, 2023
Taliska Booliiska gobolka Banaadir oo sheegay in goordhaw lasoo afjarayo weerarka ka socda Aqalka Dowladda Hoose
 

Axad, January, 22, 2023 (HOL) - Waxaa wali ka socda gudaha xarunta Aqalka dowladda Hoose ee Xamar dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaal ka tirsan shabaab oo duhurnimadii Maanta halkaasi ku galay weerar qaraxyo ku bilaawday.

Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa goordhaw shaaciyay in gudaha xarunta Aqalka dowladda hoose ay kasoo badbaadiyeen inta badan Shaqaalaha kala duwan ee gobolka, islamarkaana uu socdo howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo weerarka.

Qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska Banaadir ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Haramcad ee sida gaarka ah u tababaran ay bilaawgii hore ee howlgalka iney toogasho ku dileen xubno ka mid ah dableyda gudaha u gashay xarunta aqalka dowladda hoose.

"Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/le sare Macalin Mahdi ayaa weli ku sugan xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana haatan socda afjarkii ugu danbeeyay ee haraadiga Kooxda Khawaarijta ah ee Weerarka kusoo qaaday xarunta Gobolka Banaadir" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Booliiska Banaadir.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee tirada dhimashada weerarkan Al-shabaab ku galeen gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee haatan kusoo dhacaya Warqabadka HOL ay sheegayaan in weerarka ay soo afjareen daqiiqado kooban ka hor ciidamada Booliiska ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.