4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 22, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo cafis u fidiyay maxaabiistii loo xiray shaqaaqadii Baydhabo ka dhacday

Axad, January, 22, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa cafis u fidiyey askartii dhowaan ka qeyb qaadatay shaqaqadii ka dhacday magaalada Baydhabo.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed, tallaabdan ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay hannaanka dib u heshiisiinta ka socota Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa faray xeer ilaalinta iyo hay’adda nabad sugida inay xabsiyada kasii daayaan maxaabiista u xiran shaqaaqadii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Maxaabiista uu madaxweynaha koonfur Galbeed xafiska u fidiyay oo gaaraya 20 qof, ayaa 19 kamid ah waxay yihiin askar iyo saraakiil ka tirsan qeybaha ciidamada dowladda.