4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2023
Wasiir Kaahin oo sheegay in ay ogolaadeen in ciidamo hubaysani ay Laascaanood soogalaan
 

Sabti, January, 21, 2023 (HOL) -  Cod laga duubay Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa muujinaya in xukuumadu ogolaatay in ay Laascaanood soogalaan odayaal wata ciidamo hubaysan.

Wasiirka oo codka laga duubay xili uu shir la lahaa qaar kamid ah odayaasha Laascaanood, ayaa odayaasha u sheegaya in loo bahanyahay in daacad laga noqdo xal u helista arrinta Laascaanood.

"Waxaynu doonaynaa arrintan haday inaga daacad tahay, oo aynu doonayno in aynu howshan wax ka qabano, waxaynu u baahanahay in sidii aynu wax uga qaban lahayn is waydiino, waxaanu u baahanahay in aad idinkuna isasoo koobtaan, anana aanu in kooban ku nimaadno, dabadeedna sidaynu u howlgalaynay falowgeed qabano" ayuu yidhi Kaahin.

Isaga oo u jawaabaya cid ku eedeeysay faragalin, ayuu sheegay in anay farafaraynta daynayn, madaama ay iyagu dowlad ka yihiin, waxaanu sheegay in si nabad loo helo ay ogolaadeen in ay magaalada soogalaan odayaal magaalada hub keenay.

"Fara faraynta, sideenu fara faraynta u daynaa anagaaba cariga ka dowlad ahe, garaadadii aad soo dirsateen ee bambooyinka aad arkayseen magaalada keenay ayaanu hada amar ka dhiibanaynay in ay yimaadaan, 5-tii cisho ee u danbeeyayna shir ayay Faliidhyaale ka wadaan, iyaga iyo qolo Xamar ka yimid" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Waxa uu sheeegay in odayaasha Faliidhyaale ku shirayaa ay maamulka Puntland ka codsadeen in ay siiyaan ciidan, isla markaana ay dagaal wadeen lakiin xukuumadu ay ogolaatay in ay Laascaanood yimaadaan, isla markaana ay yimaadeen iyaga oo ciidan hubaysan wata.

Xukuumada Somaliland ayaa ogolaatay in ay soo guryo noqdaan dhamaan odayaasha reer Laascaanood ee magaalada ka maqnaa, xili xaalada Laascaanood anay wali daganayn, badanka odayaasha xukuumada kasoo horjeeda ayaa raba in ay Laascaanood ka dhisaan maamul madaxbannaan oo hoostaga dowlada Soomaaliya.

Waxa kale, oo magaalada ku sugan hogaamiyaha Jabhada Xoraynta SSC Faysal Falaalug, oo si wayn ugu xusul duubaya in Laascaanood ay fadhi u noqoto madaxda Khaatumo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]