3/20/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 20, 2023
Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Cadawgu tab isku mid ah ayuu ciidankii ku laynayaa
 

Jimco, January, 20, 2023 (HOL) - Ergayga gaarka ah ee gurmadka abaaraha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka tacsiyeeyay geerida gaashaanle Xasan Cismaan Tuure, taliye ku xigeenkii ciidanka Danab iyo saraakiishii kale iyo ciidankii saakay ku geeriyooday weerarkii degaanka Galcad.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa gaashaanle Xasan Tuure ku sifeeyay inuu ahaa geesi aan xabbadda ka gaban, laf-dhabarna u ahaa dagaalka Alshabaab.

Ergayga abaaraha ayaa sheegay Alshabaab inay tab isku mid ah ciidankii ku laynayaan.

Maalmo ka hor ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka hadlay sida xowliga ah ee saraakiisha hoggaaminaya howlgallada dib u xoraynta loogu laynayo weeraro gaadmo ah oo aan wax casharo ah laga baranin.

Mar uu ka hadlayay dilkii Kornayl Abshir Maxamuud (Shataqeey) oo kamid ahaa saraakiishii lagu dilay weerarkii Xawaadley, ayuu sheegay inay gabood fal tahay in halyeeyada naftooda u huray dagaalka argagixisada si fudud lagu ugaarsado.

“Waa in igu sawirta baraha bulshada qarqisay lagu beddelaa muuqaalo dhab ah oo laga soo tebiyo geesiyada dagaalka ee naf, maskax, itaal iyo waqti u huray halganka argagexiso la dirirka, si halyeeyada dhabta ahi u helaan billadda geesinnimo ay mudnaayeen, shacabkuna aysan uga lumin qiimiga iyo qaddarinta ay u hayaan naf huridda iyo halyeeynimada,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Illaa shan sarkaal oo kamid ahaa saraakiishii laf dhabarta u ahaa howlgallada dib u xoraynta Galmudug iyo Hirshabelle ayaa labo todobaad gudihiis lagu dilay weeraro ka kala dhacay, Muqdisho, Halgan, Hilowle-Gaab, Xawaadle iyo Galcad.













Click here
1/20/2023 6:42 AM EST
Jimco, January, 20, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibedda iyo qurbo-Joogta ee dalka Yemen Dr. Axmed Cawad Bin Mubarak oo Muqdisho ku sugan ayaa isaga iyo dhigiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac waxay si wadajir ah u dhagax-dhigeen asaaska dhismaha cusub ee Safaarada Yemen ee magaalada Muqdisho.

1/20/2023 6:04 AM EST
Jimco, January, 20, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa degmooyinka Baardheere iyo Dooloow ee Jubaland ku wareejisay 11goobood oo laga dayactiray jiinka webiga Jubba, si looga hortago fatahaadaha dhibka ku hayay beeraleeyda, xoolaleeyda iyo dadka deegaanka.

1/20/2023 5:21 AM EST
Jimco, January, 20, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 100 ka tirsan kooxda Alshabaab in saaka lagu dilay markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka xoogga oo ku yaalla Magaalada Galcad.

1/20/2023 2:05 AM EST
Jimco, January, 20, 2023 (HOL) - Sid ay sheegayso warbaahinta dowladda Soomaaliya, kooxda Alshabaab lagu jebiyay weerar ay ku soo qaaddeen degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

1/20/2023 12:58 AM EST
Jimco, January, 20, 2023 (HOL) - Wararka nagasoo gaaraya degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay aroortii ay halkaasi weerareen dagaalamayaasha kooxda Alshabaab.