4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 2 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh "Howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xureynaayo waa in muddo kooban lagu soo afjaro"


Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta kormeer ku tagay xerada Jenaraal Goordan oo ay ku jiraan ciidamadii tababarka kuso qaatay wadanka Eratariya ee dhawaan Cutubkoodii ugu horeeyay dalka dib loogu soo celiyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan qaybta Ilaalo Qaran, gaar ahaan gaaska koowaad ee Duufaan ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan iney dhammeystiraan halganka  gabagabada maraya ee dalka looga ciribtirayo Ururka Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa faray ciidamada tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya iney u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab ee dalka looga xoreynayo.

"Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro" ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabagabadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay dowladda Eretariya garab istaagga ay u muujisay Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waqtiga adag ee lagu jiro dib u xoreynta dalka.

Ciidamadaan uu Maanta kormeerka ugu tagay madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-kii bishii dhamaatay ee Decembar 2022 laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, kadib tababar ay kusoo qaateen dalka Eratariya, waxaana Wasaaradda Gaashaandhiga ay sheegtay markaasi in ciidamadaan ay ka qeyb noqonayaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.