4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 2 , 2023
Deni: Puntland waxay diyaar u tahay inay xal siyaasadeed iyo mid militari ku wajahdo xaaladda Laascaanood
 

Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa iska diiday dhaliil loosoo jeediyay oo ku saabsanayd inuu ku mashquulsan yahay arrimaha doorashada, xilli magaalada Laascaanood uu ka taagan yahay qalalaase dad badani ku dhinteen.

Madaxweyne Deni oo warbaahinta kula hadlay madaxtooyada Garowe, laguna weydiiyay su’aallo, ayaa sheegay inay Puntland diyaar u tahay xal militari iyo xal siyaasadeed inay ku wajahdo xaaladda magaalada Laascaanood.

Deni wuxuu sheegay siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Laascaanood in looga baahan yahay inay la yimaadaan qadiyad midaysan oo ku saabsan xaaladda magaalada Laascaanood.

“Haddii Somaliland ay qaadan weydo baaqyada shacabka Laascaanood kasoo yeeraya ee ay ku dalbanayaan inay Somaliland ka baxdo Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, Puntland waxay diyaar u tahay tallaabo kaste oo suuragal ah inay qaaddo,” ayuu yiri Deni.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa difaacay howlaha doorashada. Wuxuu tilmaamay in aanay waxba iska qusaynin doorashada iyo arrinta Laascaanood. Wuxuu sheegay ururo aan dad haysan inay waji xumaynayaan doorashada.

Deni wuxuu sheegay haddii hal cishe ay ka dhiman tahay muddo xileedkiisa, inuu diyaar u yahay inay qabto doorashada golaha deegaanka.