9/23/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2023
Ciidamada Kenya oo 10 ka mid ah Al-Shabaab ku dilay meel u dhow xadka Soomaaliya
 

Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 10 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka Kenya meel u dhow soohdinta Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay booliska, iska horimaadka u dhaxeeyay ciidamada Kenya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Degbon ee degmada Gaarisa.

Taliyaha booliska gobolka Waqooyi Bari George Seda ayaa sheegay in kooxda nabadsugidda ee hay’adaha kala duwan ay howlgal sirdoon ah ku qaadeen xarunta Al-shabaab ee Degbon ka dib markii ay daba socdeen muddo toddobaad ah.

"Kooxda hay'adaha kala duwan waxay sidoo kale soo furteen hub ay ku jiraan baasuukayaal (RPG), qoryaha AK-47, iyo walxaha qarxa," Seda ayaa ku sheegay warbixinta ammaanka.

Waxa uu sheegay in dilka kooxaha xagjirka ah uu daba socday xog ay dadka deegaanka ka heleen, isagoo sheegay in howlgalka uu yahay mid wali socda, islamarkaana aysan wax badan shaacin doonin.

Arrintaan ayaa imaanaysa maalin uun ka dib markii al-Shabaab ay hal qof ku dileen weerar ay ku qaadeen ciidamada difaaca Kenya oo marayay wadada isku xirta Lamu-Ijara-Garissa.

Booliska ayaa sheegay in weerarka uu dhacay abbaare 8-dii subaxnimo ee Talaadada, taasoo noqonaysa dhacdadii labaad ee noocan ah muddo toddobaad gudihiis ah.

Sida laga soo xigtay booliska, falkan ayaa ka dhacay meel 7 kiilo mitir u jirta Saldhigga Booliska ee Bodhai/Xerada ismaamulka Garissa, iyadoo kooxdan ay ku sii jeedeen goobahooda shaqo ee xero Shiinees ah oo ay degan yihiin.

Booyad shidaal ayaa lagu dhuftay baasuukayaal dhanka hore ah, waxaana isla goobta ku dhintay hal qof oo saarnaa.












Click here
1/19/2023 12:42 PM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo maanta furay Shir qiimeyn ahaa oo loo qabtay masuuliyiinta gobollada uu degaanku kakooban yahay ayaa si adag uga hadlay Musuq maasuqa iyo ciqaabta uu yeelanayo masuulkii musuq lagu helo.

1/19/2023 9:29 AM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday Maxamed Cabdi Jiirow oo loo yaqaano Dr. Fanax oo katirsanaa Alshabaab.

1/19/2023 5:31 AM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu haatan ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.

1/19/2023 4:32 AM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar ayaa shaaca ka qaaday iney dib u bilaabayaan qaadista Canshuurta Guryaha iyo daaraha ka dhisan magaalada Muqdisho oo horay loo joojiyay bishi Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay 2022.

1/19/2023 2:39 AM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dishay 49 ka tirsan Alshabaab, tiro kalana lagu dhaawacay kaddib dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

1/19/2023 12:29 AM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Wasaaradda amniga maamulka Hirrshabelle ayaa caddeysay cidkasta oo u hoggaansanta awaamiirta Alshabaab in ay ku xukun yihiin iyaga.