4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 25, 2023
Museveni oo martigelinaya shirka madaxda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Talaado, April, 25, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa martigelinaya shirka ay yeelanayaan madaxweynayaasha dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horey uga codsaday dhiggiisa Uganda, Yoweri Museveni, inuu martigeliyo shir aan caadi ahayn oo yeelanayaan madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay bogga internetka ee ciidamada milatariga Uganda, Shir-madaxeedkan ayaa la qaban doonaa Khamiista, Abriil 27, kaasoo ka dhici doona Aqalka Madaxtooyada ee Entebbe.

Bayaanka ayaa tilmaamaya in saraakiil farsamo oo ka socda wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCCs) ay durba bilaabeen shirar loogu diyaar garoobayo Shir Madaxeedkan.

Madaxweynayaasha ayaa la filayaa inay qiimeeyaan guulihii laga gaaray fulinta waajibaadka ATMIS ayna dib u eegis ku sameeyaan qorshaha dhimista ciidamada ATMIS iyagoo raacaya Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Shirkan qabashadiisa ayaa kusoo beegmidoona xilli Dowladda Soomaaliya ay iska fogeysay inuu jiro qorshe ku aadan in muddada loo kordhiyo howlgalka ciidamada ATMIS.