4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 24, 2023
Dowladda Soomaaliya oo soo daad gureysay Soomaalidii ugu horreysay ee ku xayirnayd xadka Suudaan

Isniin, April, 24, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa soo daad gureysay ugu yaraan 27 qof oo Soomaali ah oo ka qaxay colaadda ka taagan caasimadda Suudaan ee Khartoum.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo la hadlay VOA Somali, dadka la daadgureeyay oo ay ku jiraan afar dumar ah ayaa gaaray Itoobiya kaddib markii ay ka soo gudbeen magaalada xuduudka ku taalla ee Metema.

Kumanaan Soomaali ah oo isugu jira Arday iyo Ganacsato ayaa ku sugan dalka Suudaan kuwaas oo ay ka dhaceen dagaalo lagu hoobtay.

Dagaallada ayaa u dhaxeeya Abdel Fattah Burhaan oo ah madaxa ciidamada qalabka sida iyo Gen. Mohammed Hamdan Dagalo oo madax u ah koox dabley ah oo loo yaqaano Rapid.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli dalalka kale ay muwaadiniintooda ku sugnayd Sudan kala baxayn goor hore, kaddib markii ay faraha ka baxday xaaladda amni ee dalkaas.

Weli Soomaali badan ayaa ku xayiran xaduudka Sudan iyo Ethiopia, inkastoo Dowladda Itoobiya ay u oggolaatay inay dalkeeda soo galaan.