4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 18, 2023
Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Dowladda Soomaaliya lama xisaabtanto hay’adaha ka shaqeeya samafalka
 

Talaado, April, 18, 2023 (HOL) - Ergayga gurmadka abaaraha Soomaaliya, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya inay la xisaabtanto hay’adaha samafalka ee dhaqaalaha kusoo qaata inay Soomaaliya ka caawiyaan abaaraha.

Ergayga abaaraha oo wareysi siiyay VOA, ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn, in sanad walba Soomaaliya lagu bixiyo balaayiin dollar, haddana xaaladdu aysan iska beddelayn sidii hore, wuxuuna si cad u sheegay hay’adaha samafalka in aanan lala xisaabtamin.

“Sanadkii hore $1.4 billion ayaad dalbatay, haddana $2.8 billion ayaad dalbanaysaa, dhibaatadiina way sii kordhaysaa. Dhaqaalahaas xagguu aadaa? Soomaaliya iyo beesha caalamka waxay ku heshiiyeen isla xisaabtan. Dowladda Soomaaliya lama xisaabtanto hay’adaha ka shaqeeya samafalka,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ergayga gurmadka abaaruhu wuxuu tilmaamay Soomaaliya si ay uga baxdo ku tiirsanaanshaha gargaarka caalamka, in looga baahan yahay inay la xisaabtanto hay’adaha dhaqaalaha kusoo qaata arrimaha bini’aadantinimo Soomaaliya.

Dhinaca kale, ergayga gurmadka abaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Dowladda Soomaaliya ay wax ka bedesho qaabka loo wajaho arrimaha bini’aadinimada. Wuxuu sheegay inay jiraan isbarbar yaac badan, iyo mudnaantii loo baahnaa in la siiyo arrimahan oo aysan dowladdu ku bixin.

Wuxuu sheegay Dowladda in looga baahan yahay, dad karti leh inay xijiso dhinaca hay’adaha samafalka, inay dowladdu la timaado siyaasad mudnaan leh oo ay ku dalbanayso waxa ay doonayso, iyo in wada shaqayn ay dhexmarto hay’daha dowladda dhexdooda.