9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2023
Dowladda Itoobiya oo beenisay guulo Al-shabaab ay ka sheegatay dagaalo ka dhacay Bakool
 

Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa beenisay guulo kooxda Al-shabaab ay ka sheegatay dagaal Shalay galinkii hore ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa Al-shabaab deegaano ka tirsan gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa ahaa mid dhabagal ah oo kooxdu ku sameysay laba kolanyo oo  ka tirsan Militariga Itoobiya oo ku kala wajahna magaalooyinka Waajid iyo Xudur, islamarkaana kasoo ambabaxay deegaanada Yeed iyo Ceel Barde ee isla gobolka Bakool.

Dagaaladaas dhabagalka ayay kooxda Shabaab sheegatay in ciidanka Itoobiya ay kaga dishay 167 askari oo itoobiyaan ah, islamarkaana ay ku gubeen gaadiid dagaal oo ciidankaasi uu watay.

Safiirka dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya Mukhtar Maxamed Waare ayaa Warbaahinta u sheegay inuu baraha bulshada uu ku arkay sheegashada Al-Shabaab, isagoona ku tilmaamay sheegashadooda mid dacayaad ah oo aan waxba ka jirin.

“Waa ay isku dayi karaan [inay weeraraan ciidamada Itoobiya] balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada difaaca Itoobiya, ciidankani waa kuwo xirfad leh waana kuwa aad u qalabaysan, aadna u abaabulan, mar walbana si adag ayay u garaacaan marka ay iska hor imaadaan Al-Shabaab, marka tani waa dacaayad kaliya, ma ahan wax ka badan dacaayad ka dhan ah Itoobiya iyo ciidamada difaaca Itoobiya” ayuu yiri Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtaar Maxamed ayaa sidoo kale beeniyay warar sheegayay in ciidamada Itoobiya ee Shalay weerarka ku  qabsaday Bakool inay yihiin kuwa aan ka tirsaneyn howlgalka ATMIS oo si sharci daro ah kuso galay gudaha Soomaaliya.

" Waxaan Soomaaliya ku joognaa go’aannadii Midowga Afrika iyo beesha caalamka ee lagu taageerayo dowladda sharciga ah ee Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jirto sidii dalkan nabad looga dhalin lahaa, Marka, tani waa dacaayad kaliya oo ay afuufayaan Al-Shabaab oo inta badan lagu yaqaanno" ayuu yiri Danjire Mukhtaar.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Itoobiya waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan askari oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS, waxaasa la tilmaama in mararka qaar ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka mid aheyn howlgalka ATMIS iney kasoo talaabaan xaduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.












Click here
9/18/2023 3:40 PM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay taliyayaal cusub oo katirsan ciidanka xoogga dalka, si ay u dardargeliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

9/18/2023 11:11 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus ka bilowday meel u dhaw xerada barakacayaasha Qollaji ee degaanka Soomaalida, dagaalkan ayaa u dhaxeeya Ciidamada Maleeshiyada degaanka Soomaalida iyo Ciidamada Oromiya.

9/18/2023 11:08 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kaasoo baxaya qarax xoogan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo maanta dhacay gobolka Gedo.

9/18/2023 9:25 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

9/18/2023 8:36 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Madasha siyaasiyiinta Puntland oo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay inuu ku guul daraystay inuu Puntland u horseedo hannaan dowladnimo oo sal adag leh.

9/18/2023 5:42 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - 2 caruura oo da'adoodu u dhaxayso 10 jir iyo 12 jir ayaa ku geeriyooday gurigooda oo uu dab qabsaday magaalada Burco shalay galabtii.

9/18/2023 1:29 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Golaha nabada iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka geysteen Soomaaliya, kuwaas oo sababay dhimasho badan iyo dhaawac.

9/18/2023 1:15 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda ee ka howlgalla degmada Xuddur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya oo garab ka helaya ciidanka Dowladda Soomaali ay dileen in badan 55 ka tirsan kooxda Alshabaab.