9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2023
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo daah furay qaadashada kaararka Aqoonsiga dadweynaha

Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah furay qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta Dadweynaha, kasoo lagu soo beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha 16 Septembar.

Raysal Wasaare ayaa sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta dadka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo damaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale xusay in Xukuumaddiisa ay meel marisay sharuucdii ilaalin laheyd xogta muwaadiniinta, islamarkaana hagi laheyd hay'addaha ku shaqada leh bixinya iyo keydinta Aqoosniga Qaranka.

“Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin” Ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Gagabagadii Raysal wasaare Xamse ayaa hoosta ka xariiqay in hanaankaan uu yahay mid ka turjimaya dowladnimada casriga ah, isagoona u mahadceliyay dowladda Pakistan iyo hay’adaha kala ah Bangiga Adduunka iyo UNDP oo uu sheegay iney gacan weyn ka geystay barnaamijkaan.

Dhinaca kale madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa qaatay kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta Dadweynaha oo uu maanta daahfuray raysal wasaare Xamse.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in kaarka Aqoonsiga inuu udub dhexaad u yahay xaqiijinta amaanka guud ee dalka, islamarkaana uu kala cadeynayo qof walba waxa uu yahay.

"Waxaa jira dad badan oo muqaal ahaan inoo eg oo af Soomaaligana ku hadla ama bartay oo dalka iyo dalalkale oo dariska ah ku nool marka qof walba oo inoo eg oo afsomali ku hadla macnaheedu maha inuu Soomaali yahay, kaarkan Aqoosiga waa kii kala saari laha Muwaadinka Soomaaliga ee saxda ah, waxaana dhici doonto maalin qofkii aanan wadan la dhihi dooni maahid muwaadin Soomaliyeed" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.












Click here
9/16/2023 3:12 PM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa Alshabaab ka qabsaday deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug.

9/16/2023 3:04 PM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in ay cambaaraynayso socdaal ay dhawaan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyo madax Puntland ahi ku tageen Laascaanood.

9/16/2023 2:58 PM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Qaybtii ugu horaysay ee ka mid ah jabhada buurta Gacanlibaax, ayaa maanta hubkoodii ku wareejiyay guddi kamid ah salaadiinta dhaqanka Somaliland.

9/16/2023 2:54 PM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Dab xoogan ayaa ka kacay suuq ganacsiyeedka degmada Wajaale oo dhacda xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.

9/16/2023 9:58 AM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu soo bandhigay Gaari nuuciisu Soomaalida u taqaano Leylo calaawi oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo ay dhawaan ciidanka amaanka gacanta ku dhigeen.

9/16/2023 4:42 AM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Guddoomihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inuu Baydhabo lug ku gali doono haddii madaxweyne Lafta Gareen uu isku dayo inuu ka joojiyo safarka dhinaca hawada.

9/16/2023 3:22 AM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay diyaarado dagaal ay duqeymo culus ka geysteen nawaaxiga deegaanka Ceel lahelay oo shalay dagaalo xoogan ku dhexmareen ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaankaas.

9/16/2023 2:48 AM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Waxaa maalintii labaad xiran oo hakad ku jira dhamaan adeegyadii duuliimaadyada garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne oo aysan kasoo dagin wax diyaarad kana duulin, marka laga reebo diyaaradaha adeegyada u keena ciidanka ATMIS ee ku sugan Baledweyne.

9/16/2023 2:13 AM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magacaabay wakiil u fadhindoona dalka Kenya.