9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2023
Diyaarado dagaal oo duqeymo xoogan ka geystay gobolka Galgaduud

Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay diyaarado dagaal ay duqeymo culus ka geysteen nawaaxiga deegaanka Ceel lahelay oo shalay dagaalo xoogan ku dhexmareen ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaankaas.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in diyaaradaha dhowr gantaal ay la beegsadeen goobo la sheegay iney ku sugnayeen koox ka mid ah Shabaabkii weeraray deegaanka Ceel lahelay.

Weerarkaan duqeynta ah ee ka dhacay saakay nawaaxiga deegaanka Ceel lahelay ayaa loo badinaya iney fuliyeen diyaaradaha dowladda Mareykanka ee ciidamada Soomaaliya ka taageera dhanka cirka ah.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan ay geysteen diyaaradaha dagaalka, waxaana xusid mudan in jugta duqeyntaasi laga maqlaayay saaka deegaano ka fog fog Ceel lahelay, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ku sugan.

Duqeyntaan ayaa noqoneysa mid daba socota dagaalkii cuslaa ee shalay galinkii dambe ciidanka dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceel lahelay, kaasoo la soo warinayo inuu ka dhashay khasaare xoogan oo kala gaaray labada dhinac.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug waxa mudooyinkii dambe ka socday dagaalo qaraar oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Lasoco wixii kuso kordha wararkan.












Click here
9/16/2023 3:12 PM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa Alshabaab ka qabsaday deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug.

9/16/2023 3:04 PM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in ay cambaaraynayso socdaal ay dhawaan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyo madax Puntland ahi ku tageen Laascaanood.

9/16/2023 2:58 PM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Qaybtii ugu horaysay ee ka mid ah jabhada buurta Gacanlibaax, ayaa maanta hubkoodii ku wareejiyay guddi kamid ah salaadiinta dhaqanka Somaliland.

9/16/2023 2:54 PM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Dab xoogan ayaa ka kacay suuq ganacsiyeedka degmada Wajaale oo dhacda xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.

9/16/2023 10:58 AM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah furay qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta Dadweynaha, kasoo lagu soo beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha 16 Septembar.

9/16/2023 9:58 AM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu soo bandhigay Gaari nuuciisu Soomaalida u taqaano Leylo calaawi oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo ay dhawaan ciidanka amaanka gacanta ku dhigeen.

9/16/2023 4:42 AM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Guddoomihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inuu Baydhabo lug ku gali doono haddii madaxweyne Lafta Gareen uu isku dayo inuu ka joojiyo safarka dhinaca hawada.

9/16/2023 2:48 AM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Waxaa maalintii labaad xiran oo hakad ku jira dhamaan adeegyadii duuliimaadyada garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne oo aysan kasoo dagin wax diyaarad kana duulin, marka laga reebo diyaaradaha adeegyada u keena ciidanka ATMIS ee ku sugan Baledweyne.

9/16/2023 2:13 AM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magacaabay wakiil u fadhindoona dalka Kenya.