9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2023
Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne oo xiran maalintii Labaad
 

Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Waxaa maalintii labaad xiran oo hakad ku jira dhamaan adeegyadii duuliimaadyada garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne oo aysan kasoo dagin wax diyaarad kana duulin, marka laga reebo diyaaradaha adeegyada u keena ciidanka ATMIS ee ku sugan Baledweyne.

Waxaa la tilmaamay in xirnaashaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne ay la xariirto murun iyo is qab qabsi ka dhashay lacagta Canshurta ah ee kaso xaroota garoonka oo u dhaxeysa masuuliyiin ka wada tirsan Hirshabeelle.

Mid ka mid ah masuuliyiinta shirkadaha diyaaradaha ee fadhigoodu yahay Baledweyne ayaa inoo sheegay in xirnaasha garoonka uu yimid kadib markii lacagaha Canshuurta ah ay isku qabsadeen madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Hirshabeelle Muuse Salaad.

Ma ahan markii ugu horeysay oo garoonka diyaaradaha Baledweyne uu u xirmo murun la xariira dhaqaalaha kasoo xarooda garoonka, waxaasa dhibaatada ugu badan ee arrimahan ay saameysa dadka shacabka ah ee ku nool Baledweyne.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Hiiraan iyo kan Hirshabeelle oo ku aadan xirnaashaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne, iyadoo lasoo warinayo in arintaan ay si weyn u saameysay dad xanuunsan oo howlo Caafimaad diyaaradahaasi ugu soo qaadi lahayeen Muqdisho iyo dalka Dibadiisa.












Click here
9/16/2023 3:12 PM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa Alshabaab ka qabsaday deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug.

9/16/2023 3:04 PM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in ay cambaaraynayso socdaal ay dhawaan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyo madax Puntland ahi ku tageen Laascaanood.

9/16/2023 2:58 PM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Qaybtii ugu horaysay ee ka mid ah jabhada buurta Gacanlibaax, ayaa maanta hubkoodii ku wareejiyay guddi kamid ah salaadiinta dhaqanka Somaliland.

9/16/2023 2:54 PM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Dab xoogan ayaa ka kacay suuq ganacsiyeedka degmada Wajaale oo dhacda xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.

9/16/2023 10:58 AM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah furay qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta Dadweynaha, kasoo lagu soo beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha 16 Septembar.

9/16/2023 9:58 AM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu soo bandhigay Gaari nuuciisu Soomaalida u taqaano Leylo calaawi oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo ay dhawaan ciidanka amaanka gacanta ku dhigeen.

9/16/2023 4:42 AM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Guddoomihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inuu Baydhabo lug ku gali doono haddii madaxweyne Lafta Gareen uu isku dayo inuu ka joojiyo safarka dhinaca hawada.

9/16/2023 3:22 AM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay diyaarado dagaal ay duqeymo culus ka geysteen nawaaxiga deegaanka Ceel lahelay oo shalay dagaalo xoogan ku dhexmareen ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaankaas.

9/16/2023 2:13 AM EST
Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magacaabay wakiil u fadhindoona dalka Kenya.