9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2023
Dowladda Soomaaliya oo dallacsiinaysa ciidanka iska caabiyay weerarkii Shabaab ee Awdheegle

Talaado, September, 12, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa min labo darajo dallacsiinaysa askartii ka qeyb qaatay iska caabinta weerarkii ay kooxda Alshabaab kusoo qaadeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeeladda hoose.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Jeneraal Ibraahim Sheikh Muxiyadiin oo gaaray degmada Awdheegle ayaa ciidamada Gorgor iyo kuwa14 October ee ka howlgalla Awdheegle uga mahad celiyay sida uu sheegay jabka ay u geysteen Shabaabkii soo weeraray.

"Ciidanka labada guuto ka kooban ee halkaan ka dagaalamay waxaan rabaa min labo darajo in la dalacsiiyo oo liiskooda la iisoo qoro. Waxaan ballanqaadaynaa in askari kaste dalacsiinta darajadiisa ku mushaar qaato," ayuu yiri taliyuhu.

Taliyaha ciidanka xoogga wuxuu sheegay, Alshabaab saddex jeer oo ay soo weerareen Awdheegle inay jab xooggan kala kulmeen. Wuxuu ku ammaanay askarta inay sameeyeen naf hurid iyo inay cadowgooda tuseen awoodda ciidanka.

Ciidanka ku sugan Awdheegle ayaa Axadii iska caabiyay weerar Alshabaab kusoo qaadeen, waxayna ku guulaysteen inay dilaan in ka badan 20 katirsan Shabaab sida ay dowladdu sheegtay.












Click here
9/12/2023 12:03 PM EST
Talaado, September, 12, 2023 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu shir ugu soo gabagaboobay qaar ka mid ah Siyaasiyiin kasoo jeeda maamulka Koofur Galbeed oo halkaasi shir ku lahaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

9/12/2023 11:19 AM EST
Talaado, September, 12, 2023 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa beeniyay eedeymo kaga yimid hogaanka nabadgalyada ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo la xariirta in Galmudug ay ku lug laheyd dagaal ka dhacay degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxey.

9/12/2023 7:54 AM EST
Talaado, September, 12, 2023 (HOL) - Howlgalka ATMIS ayaa war saxaafadeed kasoo saaray shaqaaqo sababtay dhimasho, taasoo axadii ka dhacday halka loo yaqaano Madiino Gate oo ah illinka hore ee xerada Xalane.

9/12/2023 6:39 AM EST
Talaado, September, 12, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, Feysal Sheikh Cali (Jife jabsade) ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka dhaqtar caan ah oo dhawaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

9/12/2023 4:45 AM EST
Talaado, September, 12, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano macawiisleey ayaa lagu soo waramaya iney kaabiga ku hayaan deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

9/12/2023 1:56 AM EST
Talaado, September, 12, 2023 (HOL) - Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa Xalay weerar madaafiic ay u adeegsadeen ku qaaday deegaanka Ceel lahelay oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.