11/14/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 10, 2023
Puntland oo ku eedeysay Somaliland inay ciidamo kusoo daabushay magaalada Ceerigaabo
 

Talaado, October, 10, 2023 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa wuxuu ku eedeysay Somaliland inay ciidamo kusoo daabushay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo dhawaan ay ka dhacday is rasaasayn dhexmartay ciidanka booliiska iyo koox maleyshiyaad ah.

Israsaasayntaas ayaa salka ku haysay markii ciidanka booliiska Somaliland ay xireen rag lagu sheegay inay ahaayeen kuwo ka ganacsada maandooriyaha. Walow warar kale ay sheegayeen in ragga la xiray ay kasoo qeyb qaateen dagaaladii ka dhacay Laascaanood.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash wuxuu ugu baaqay Somaliland inay ciidamada ka saarto koonfurta magaalada Ceerigaabo.

“Waxaan ugu baaqaynaa Maamulkaas inay si deg deg ah uga saaraan Ciidamada ay kasoo abaabuleen deegaanka Oog ee ay geeyeen Koonfurta Ceerigaabo si ay ugu dhibaateeyaan shacabka halkaas degan,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Axmed Karaash wuxuu sheegay haddii ay Somaliland dhegaha ka furaysto in ay qaadan doonaan masuuliyadda ka dhalata arrintaan.

Tan iyo markii Laascaanood colaaduhu ka dhaceen, magaalada Ceerigaabo tiro dhowr jeer ah ayay shaqaaqooyin ka dhaceen, inkastoo odayaasha degaanka ay ku guulaysteen inay xal ka gaaraan.