11/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 20, 2023
Sarkaal ka tirsan kooxda Al-shabaab iyo xubno kale oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Mudug

Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gorgor ayaa howlgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano ku yaala dhinaca Galbeed ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dilay xubno ka tirsan kooxda Al Shabaab.

Ciidamada Gorgor ayaa howlgalka ku dilay  sadax xubnood oo ka mid ah Ururka Al-shabaab iyo sarkaalkii hoggaaminaayay oo ku sugnaa tuulo lagu magacaabo Xaaji sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha Ururka saddexaad ee Gorgor Dhame Cali Cageey.

Taliye Cali Cageey ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay howlgalka kusoo furteen hub iyo saanad ciidan oo ay wateen sarkaalka iyo sadaxda xubnood ee lala dilay, hayeeshee lama shaacin magaca sarkaalka howlgalka lagu dilay.

Howlgalkaan ciidanka Gorgor ay ku dileen xubnahaan ka tirsan Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo wali gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.












Click here
11/20/2023 9:32 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta degmada Dooloow ee gobolka Gedo u tagay u kuur galida xaaladaha Bani'aadanimo ee ka dhashay daadadka roobabka ka da'ay degmadaas iyo nawaaxigeeda.

11/20/2023 4:01 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ilaa dhamaadka sanadkan.

11/20/2023 3:32 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada London ee Caasimadda dalka ingiriiska oo uu ka qeyb galayo shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa oo ka dhacaya magaaladaas.

11/20/2023 3:23 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland, (PISA) ayaa sheegtay inay fashilisay Qaraxyo la doonaayey in lagu dhibaateeyo Shacabka magaalada Bosaso iyo hantidooda,

11/20/2023 1:36 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Waxaa socda dadaalo loogu jiro sidii looga hortagi lahaa colaad ka dhacda magaalada Garowe, xilli magaalada ay dad badani ka qaxeen xalay illaa iyo shalay.