11/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 19, 2023
Sirdoonka Somaliland oo Burco ku qabtay hub iyo saanad ciidan

Axad, November, 19, 2023 (HOL) - Hay'adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa soo bandhigtay hub, dawooyin iyo dirays ciidan oo ay ku qabatay magaalada Burco.

Hay'adda ayaa qoraal iyo sawiro ay ku baahisay barta X ee hore loogu yaqaanay Twitterka ku sheegtay in ay qabatay hub iyo saanad ciidan oo loo waday magaalada Laascaanood.

"Hay’adda ugu saraysa amniga Somaliland ee NIA oo kaa shanaysa laamaha kale ee nabadgelyada, ayaa gobalka Todheer ku qabatey saanad millateri oo ka kooban, rasaas, dawooyin, iyo kabaha ciidamada, kuwaas oo lagu waday kooxaha huwanta ah ee Laascaanood" ayaa lagu yidhi Qoraalka NIA.

Qoraalka hay'adda laguma sheegin tirada saanada ay qabteen, halka laga keenay, iyo hadii ay jirto cid siday oo ku eedaysan in ay ku lug leeyihiin dhoofinta qalabkan ciidan.

Sirdoonka Somaliland ayaa hawlagalo ay fuliyeen bilihii u danbeeyay kusoo qabqabtay dad ku eedaysan argagixiso, budhcadnimo iyo basaasnimo.












Click here
11/19/2023 11:24 AM EST
Axad, November, 19, 2023 (HOL) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar ay kooxda Al Shabaab xalay saqdii dhexe ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.

11/19/2023 9:27 AM EST
Axad, November, 19, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Eretariya Isaias Afwerki ayaa warqadaha aqoonsiga Safiirnimo si rasmi ah uga guddoomay Safiirkii ugu horeeyay ee abid Soomaaliya u dirto dalkaas.

11/19/2023 7:54 AM EST
Axad, November, 19, 2023 (HOL) - Nabadoonada iyo waxgaradka kasoo jeeda magaalada Garowe ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ay u jeedinayaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweynaha Puntland.

11/19/2023 3:54 AM EST
Axad, November, 19, 2023 (HOL) - Ciidamo taabacsan mucaaradka Puntland ayaa saakay waaberigii, waxay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen qeybo kamid ah magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

11/19/2023 2:36 AM EST
Axad, November, 19, 2023 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu toogtay fagaare ku yaala magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud askari ka tirsanaa ciidanka Nabadsugida oo bilawgii bishaan dil ugu geystay gudaha magaaladaasi Cabdullaahi Cali Hudey oo ahaa nin la dhashay taliyaha Booliiska Saldhigga degmada Guriceel.

11/19/2023 2:09 AM EST
Axad, November, 19, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Xalay ka dhacay gudaha degmada Buula mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo u dhaxeyay ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda iyo kuwa Kooxda Al-shabaab.

11/19/2023 1:24 AM EST
Axad, November, 19, 2023 (HOL) - Mucaaradka Puntland oo saxaafadda kulada magaalada Garowe, ayaa wada hadalkii madaxweyne Deni ee arrimaha doorashooyinka, ku tilmaamay mid jees jees ah