11/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 17, 2023
Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Bakool
 

Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Miinkeey oo qiyaas ahaan 40 KM dhanka Galbeed kaga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Howlgalka ayaa sidoo kale intuu socday waxaa lagu khaarajiyay sadax xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab, waxaana sidoo kale ciidamada ay ku furteen hubkii ay wateen xubnaha Shabaabka ee la dilay.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah ee lagu beegsanayo meelaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Maalmahii ugu dambeeyay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bakool waxaa ka socday howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gobolkaas.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale saraakiishu waxay sheegeen inuu bilow yahay dadaalada lagu doonayo in dhamaan deegaanada Koofur Galbeed looga saaro kooxda Al-shabaab.












Click here
11/17/2023 11:07 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeer dhiirigelin ah ku tagey xerada Hiil weyne oo ay ku sugan yihiin ciidanka xasillinta Caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

11/17/2023 8:42 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Waxaa sii kordhay khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha is bar bar socda ee ku dhuftay qaar ka mid ah gobolada dalka.

11/17/2023 4:55 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in nin Soomaali ah uu ku dilay xaaskiisa hotel magaaladaas ku yaala.

11/17/2023 2:39 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ayaa Xalay muwaadin Soomaaliyeed ku dilay goobtiisa ganacsi oo ku tiilay deegaanka Kheyletsha oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town.

11/17/2023 1:24 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay in fatahaada ku dhufatay xaafadaha magaalada Baledweyne bilowgii todobaadkaan iney ku barakaceen 270 kun oo qoys.