11/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 15, 2023
Abiyi Axmed oo sheegay in Itoobiya aysan dooneyn in ay duulaan ku qaado dalalka deriska la ah si ay Bad u hesho
 

Arbaco, November, 15, 2023 (HOL) - Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa mar uu la hadlayay baarlamaanka dalkiisa waxa uu ka hadlay arrimaha badda cas iyo sida ay Itoobiya ugu baahan tahay inay hesho bad, waxa uu sheegay Abiyi Axmed in uu dalkiisu marnaba uusan dagaal qaadayn si uu bad u helo, balse qaab sharciga waafaqsan uu ku raadsanayo badda.

"Ma garan karno xaaladdu siday noqon karto haddii arrinta badda ee ay Itoobiya u baahan tahay aan wadahadal lagu dhammayn" ayuu yidhi Abiy Axmed, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Itoobiya aysan marna diyaar u ahayn inay xabbad ku rido dalalka Eritariya, Jabuuti, Soomaaliya iyo Kenya si ay u hesho bad, waa siduu hadalka u dhigay Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed.

Ra'iisal wasaaruhu waxa kale oo uu sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay inay hesho bad si waafaqsan sharciga ganacsiga, isagoo xusay in dalkiisu uu 30 sano kahor uu lahaa labo dekadood oo kuyaal Eritariya oo wakhtigaa kamid ahayd dalka Itoobiya, balse hadda uu dalkiisu isticmaalo dekadda Jabuuti oo ah halka kaliya ee ay maanta Itoobiya u isticmaadho waxa ay dhoofiso iyo waxa ay soo dejiso.

Abiyi Axmed waxa kale oo uu sheegay in tirada dadka Itoobiya ay marba marka xigta ay sii kordhayso sidaa darteedna loo baahan yahay in dalku helo bad ka hor inta aysan dhibaato kale imaan, waa siduu hadalka u dhigay Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed.

"Dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha, Kuwa ree Yurub, Khaliijka iyo Dowladaha Afrika dhammaantood hadday yiraahdaan wadada ay Itoobiya ku rabto inay bad ku hesho waa wado khaldan, oo aan waafaqsanayn sharciga ganacsiga, nabadgalyada gobolkana waxbay u dhimaysaa, hanoo sheegaan waan qaadanaynaa waanuna iskadaynaynaa arrintaa badda, balse anagu waxaanu leenahay aynu wadahadalno, wada hadal ayaanu wax ku rabnaa", ayuu yiri Abiyi Axmed.

Waxa kale oo uu sheegay Abiyi Axmed in tirada dadka ee Itoobiya ay marba marka xigta sii kordhayso, " 2030ka tirada dadka ee Itoobiya waxay gaaraysaa ilaa 150 milyan oo qof, dhaqaalihii dalkuna iyo baahidiina dhinac ayay ka kordhayaan, waxaas oo dad ah si aysan dhibaato ugu imaan oo aysan ciyaalku isu cunin aynu xal u raadino umbaanu leenahay ee wax kale ma jiraan". Ayuu yiri Abiyi Axmed Ra'iisal wasaaraha Itoobiya.

Arrinta badda cas oo ay Itoobiya doonayso inay dekad ka hesho badda cas oo dhawaana uu arrintaas soo hadal qaaday Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa waxay hadal hayn badan oo ilaa maanta aan istaagin ka dhex dhalisay dalalka deriska la ah Itoobiya, inkastoo siyaabo kala duwan loo macneeyay qaabka ay Itoobiya ku doonayso badda, hadda Abiyi Axmed waxa uu mar kale ku celiyay in Itoobiya aysan dagaal iyo colaad ku rabin badda ee ay ku raadsanayso qaab sharciga ganacsiga waafaqsan.












Click here
11/15/2023 11:08 AM EST
Arbaco, November, 15, 2023 (HOL) - Wasiirkii Maalgashiga Somaliland ee uu madaxweynuhu shalay xilka ka qaaday Cabdi Cismaan Dhagawayne, ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in xilka laga qaado xili uu ku hawlana wax ka qabashada tabashooyinka reer Awdal.

11/15/2023 9:56 AM EST
Arbaco, November, 15, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ku tagay dalka Burundi, halkaas oo uu kulamo kula qaadanayo dhigiisa dalka Burundi Évariste Ndayishimiye.

11/15/2023 8:57 AM EST
Arbaco, November, 15, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa maanta ku fatahay qeybo ka mid xaafadaha degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

11/15/2023 8:11 AM EST
Arbaco, November, 15, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa sagootiyay danjirihii dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Nuur Tarsan, wuxuuna uga mahadceliyey howlihii uu u soo qabtay.

11/15/2023 3:56 AM EST
Arbaco, November, 15, 2023 (HOL) - Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa lagu wadaa inuu isniinta todobaadka soo socda oo ku beegan 20-ka November, meel mariyo xeerka wax beddelka doorashooyinka, xeerkaas oo uu soo saaray guddiga doorashooyinka.

11/15/2023 3:36 AM EST
Arbaco, November, 15, 2023 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka digay saamaynta ka dhalan karta ismariwaaga u dhaxeeya madaxweyne Deni iyo kooxaha mucaaradka.

11/15/2023 3:22 AM EST
Arbaco, November, 15, 2023 (HOL) - Waxa sii kordhaya tirada dadka ku geeriyooday fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka geystay xaadafaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.