11/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2023
Garaad Jaamac "Somaliland, hadday mar danbe sheegato dhulkeenna, annana waxa aan tegeynaa Hargeysa

Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali oo katirsan golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo, ayaa sheegay in ay ciidamada SSC ku fasixi doonaan inay gudaha u galaan degaanada Somaliland.

Garaad Jaamac ayaa uga digay Somaliland in ay joojiso abaabulka dagaal ee ay ka waddo Oog, isagoo sheegay in ay wax badan xakamaynayaan, si aanay ciidamadooda uga tallaabin dhulkooda.

"Somaliland, hadday mar danbe sheegato dhulkayaga ama dhahdo Xad baan soo xidhaynaa, annana waxa aan tegeynaa guryahooda [Hargeysa] waana soo qabqaban doonaa kuwii dhibta ka gaystay dhulkayaga."ayuu yiri Garaad Jaamac.

Garaad Jaamac Garaad Cali wuxuu sheegay inay weli ku jiraan halgankii lagu xoreeyay gobolka Sool. Wuxuu sheegay inay waajib ku tahay inay degaanadooda ka difaacdaan Somaliland.

Hadalka Garaadka ayaa yimid xilli abaabul dagaal laga dareemayo degaanka Buqdharkayn, oo ay dhawaan ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo SSC- Khaatumo.

Shalay mid kamid ah qabaa'ilada Somaliland ayaa gurmad lagu taageerayo ciidamada Somaliland geeyay degaanadii lagu dagaalamay.












Click here
11/14/2023 9:11 AM EST
Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay si ay uu ugu kuur galaan xaaladda dadka ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta ah ee El-nino.

11/14/2023 6:40 AM EST
Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Dallada mucaaradka Puntland ayaa maanta oo talaado ah waxay soo saareen jadwalka doorashada baarlamaanka iyo madaxtooyada, iyagoo sheegay in ay ka ambaqaadayaan go’aankii kasoo baxay shirkii golaha Isimada.

11/14/2023 6:31 AM EST
Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabid, xilka qaadis iyo isku badal ku sameeyay golihiisa xukuumada.

11/14/2023 4:26 AM EST
Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa saadacahii lasoo dhaafay ku fatahay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

11/14/2023 3:52 AM EST
Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo wareysi siiyay warbaahinta Arab News, ayaa sheegay, in rabshadaha u dhexeeya Israa'iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas lagu xalin karo heshiis siyaasadeed.