4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 4 , 2023
Askari ka tirsan Ciidanka Xeebaha Somaliland oo askari kale dil u gaystay
 

Khamiis, May, 4, 2023 (HOL) - Dilka askari ka tirsan Ciidanka Xeebaha Somaliland oo uu askari kale ku dilay magaalada Lawyacaddo, ayaa sababay cadho dad wayne.

Qaar kamid ah bulshada gobolka Awdal ayaa ka mudaharaaday dilka askariga oo la sheegay in uu shalay dhacay, waxayna codsadeen in askarigii dilka gaystay cadaalada la horgeeyo.

"Khadar Xabeeeb Caynaanshe oo shalay gar iyo mag la'aan Lagu dilay, oo gacan ka xaq darani dishay, wadada Dilla iyo Borama u dhaxaysa way xidhantahay hadii inta aan cadceedu dhicin la raacin" Mid kamid ah dadwayne cadhaysan ayaa sida yidhi.

Qof kale ayaa yidhi "Hadraawigii reer Awdal ayaa baxay, wixii ay Laascaanood ka kacday ayaa Boorama ka socda, una dulqaadan mayno, walaa Muuse Biixi ayaanaan ka baryayn Borama Gojacadde ayay noqon doontaa".

Xukuumada Somaliland wali faah faahin kama bixin dilka askariga la sheegay in la dilay iyo sababta keentay in dilku uu dhaco.