4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 27, 2023
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Warqad cabasho ah u gudbisay dowladda

Sabti, May 27, 2023 (HOL) - Safaaradda dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa warqad eedeyn ah u gudbisay Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Haruuse, taasi oo ay kaga cabaneysay Safaaradda ilaalada Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Safaaradda Mareykanka ayaa askarta ilaalada dhadhaw u ah labada masuul ku eedeysay iney si xun ula dhaqmeen Kooxda amaanka Safaaradda Mareykanka intii lagu guda jiray Munaasabaddii sagootinta ee Safiirka xilka ka degaya taasi oo lagu qabtey 17-kii bishaan May 2023 magaalada Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada ilaalada u ah Raysal wasaaraha iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed ay hub ula soo baxeen, islamarkaana u gacan qaadeen sadax xubnood oo ka mid ah shaqaalaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

"Ciidamadeenu waxay ku sugnaayeen iridka goobta ay ka dhacaysay munaasabaddu, ilaalada Raysal wasaaraha iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed waxay bahdileen xubno ka mid ah kooxdeena ammaanka qaabilsan ilaalada labada masuul ee Raysal Wasaaraha iyo Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed hub ayay ula soo baxeen wayna u gacan qaadeen saddex xubnood oo ka mid ah shaqaalaha Safaaradda" ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka.

Warqada eedeynta ah oo ay Safaaradda Mareykanka u jeedisay ilaalada Raysal wasaare Xamse iyo Madaxweynaha Laftagareen ayaanan wali kasoo bixin wax warcelin ah oo ku aadan eedeynta loo jeediyay ilaalada labadaasi masuul.