4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 24, 2023
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay magaca horjoogaha lagu dhaawacay duqeyn ka dhacday degmada Jilib

Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah Horjoogayaasha kooxda Al-shabaab lagu dhaawacay hawlgal wadajir ah oo degmada Jilib ay ka fuliyeen ciidanka dowladda Soomaalya iyo saaxiibada caalamiga ah.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in howlgalka wadajirka ah lagu dhaawacay Horjooge magaciisa lagu sheegay Cusmaan Maxamed Cabdi oo Ururka Al-Shabaab u qaabilsana arrimaha dibadda.

Howlgalka ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid si gaar ah uga dhacay guri uu ku sugnaa horjoogahaan ka tirsan Shabaab oo ku yaala degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

"Horjoogahaan waa denbiile mas’uul ka ah inuu dalka soo galiyo Khawaarijta ajaanibta ah, sidaas si la mid ah wuxuu fududeeyaa kala gudbinta fikradaha Khawaarijta. Dawladda Soomaaliyeed waxa ka go’an in cadaaladda la marsiiyo danbiilayaasha Khawaarijta ah ee doortay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Cidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgalada noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-