6/8/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 23, 2023
Xal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa arrimaha doorashada golaha deegaanka

Talaado, May 23, 2023 (HOL) - Isimada iyo nabadoonada gobolka Nugaal ayaa xal ka gaaray khilaaf ka taagnaa  doorashada golayaasha deegaaanka Puntland, khilaafkaas oo dhaliyay dhimasho iyo qalalqal ku yimid amnigii Garowe.

Kulan ka dhacay hoyga Islaam Ciise Islaam Maxamed, ayaa lagu go’aamiyay in siyaasiyiinta kasoo horjeeda doorashada, kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda Garowe ay magaalada ka saaraan maleyshiyaadka lagu carqaladaynayo doorashada iyo amniga magaalada.

Dhaqanku waxay sheegeen in doorashadu si nabad ah u dhacdo. Doorashada kadibna la isugu yimaado shir guud oo looga tashanayo doorashada madaxweynaha  ee 2024.

Dhammaan dhinacyada isku hayay arrintaan ayaa ku qancay go’aanka Isimada iyo waxgaradka, waxaana qorshuhu yahay in maanta degaanada gobolka Nugaal loo daabulo sanaadiiq doorashada dowladaha hoose ee gobolka Nugaal.

Xafiiska xeer ilaalinta Puntland ayaa sidoo kale la laabtay dacwad soo xiritaan ah oo ka dhan ahayd afar siyaasi oo lagu eedeeyay inay masuul ka ahaayeen rabshadii dhawaan ka dhacday garoonka diyaaradaha Garowe.

Maalin kadib, Puntland ayaa looga dareeridoonaa doorashada dowladaha hoose ee 37 degmo, taasoo oo noqon doonta dhacdo taariikhi oo aan horey uga dhicin Soomaaliya, tan iyo burburkii kaddib.

Illaa todobo urur siyaasadeed ayaa doorashooyinkan ku tartamidoona, kuwaas oo soo sharraxay xildhibaanadooda heer degaan.












Click here
5/23/2023 10:54 AM EST
Talaado, May, 23, 2023 (HOL) - Dekedda Berbera ee Somaliland ayaa ka hormartay dekedda wayn ee Mombasa ee dalka Kenya sida lagu sheegay qiimayn uu sameeyay Bangiga Adduunka.

5/23/2023 7:56 AM EST
Talaado, May 23, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Sharma el-Sheekh kaga qayb-galay shirka sannadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB).

5/23/2023 7:31 AM EST
Talaado, May, 23, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in xasarado ka taaganyihiin badanka gobolada Somaliland.

5/23/2023 3:45 AM EST
Talaado, May 23, 2023 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Maanta halkaasi ay ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed oo wada dega degmada Wanlaweyn iyo nawaaxigeeda.

5/23/2023 1:54 AM EST
Talaado, May 23, 2023 (HOL) - Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaa-meedsaday kooxda Al-Shabaab, ka fuliyay degmada Jilib, May 20, 2023.