5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2023
Madaxweyne Biixi: Furihii lagu xidhi lahaa dagaalka Laascaanood gacanta Somaliland ayuu ku jiraa
 

Jimco, May, 19, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland oo kali ahi ay awood u leedahay joojinta dagaalka Laascaanood.

Madaxweynaha oo ka hadlayay xaflad casho ah oo lagu qabtay madaxtooyada oo lagu xusayay 18 May, ayaa sheegay in xoogaga kasoo horjeeda Somaliland ay naf iyo maalba u bixiyeen sidii anay 18 May u qabsoomi lahayn.

"Ciidankeenu saddexdii cisho ee ugu danbeeyay difaac iyo dagaal ayuu ku jiray, saaka inta Somaliland neceb, oo todobbadkan danbe aan wax kaleba qabane lahaa 18 May la mari maayo, waxay u hureen intaaso dhaawaca iyo intaaso dhimasho ah in anay qabsoomin 18 May, waa qoon gaab" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in awooda joojinta dagaalka ay Somaliland leedahay "Dagaalka Laascaanood ninkii bilaabay furihii uu albaabka dagaalka ku furay ayuu hayay, lakiin ma hayo furihii dagaalka lagu xidhi lahaa, kaasi gacanta Somaliland ayuu ku jiraa".

Dagaalka Laascaanood ayaa wali socda, isku dayo dhexdhexaadin oo dhinacyo kala duwani sameeyeen ayaan wali guul laga gaadhin.