4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2023
Dowladda Fedaraalka oo raashiin gargaar ah u dirtay dadkii ka barakacay fatahaada magaalada Baledweyne

Jimco, May, 19, 2023 (HOL) - Iyadoo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ka jirto xaalado nololeed oo ka dhashay fataahada wabiga Shabeelle uu ka sameeyay xaafadaha oo sababtay iney barakacaan kumanaan qoys ayay dowladda Fedaraalka u dirtay shixnadii gargaar ah oo loogu talo galay dadka barakacay.

Guddoomiyaha Hay'adda Maareeynta Musoobooyinka Qaranka SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Wasirka Wasaaradda Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa Xalay Muqdisho ka sagootiyay ilaa 50 gawaari ah oo ay saaran yihiin raashiin gargaar ah.

Guddoomiyaha hay'adda Maareeynta iyo Musiiboiyinka qaranka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhbaatada ka jirta Baledweyne inuu indhahiisa kusoo arkay baaxada ay leedahay, islamarkaana dadka halkaasi ku barakacay ay u baahan yihiin garab istaaga shacabka Soomaaliyeed.

Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta oo uu sheegay iney doorweyn ka geystay gargaar gaarsiinta dadka ka barakacay fatahaada k dhufatay Baledweyne.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxman Beenebeene ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qeyb weyn ka qaadan doonto sidii gargaar loogu sameyn lahaa dadka guryahoodii ay ka barakiciyeen biyaha wabiga Shabeelle.

Si kastaba ha ahaate fatahaada ku dhufatay xaafadaha magaalada Baledweyne todobaadkii lasoo dhaafay ayaa sababtay inay barakacaan kumanaan qoys oo haatan ku dhibaateysan duleedka magaalada Baledweyne oo ay ku heysato hoyi la'aan iyo Cunto la'aan.