11/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 18, 2023
NISA oo shaacisay in Dekadda iyo Garoonka Muqdisho ay ku qabatay agab iyo Saanad ciidan loo waday kooxda Al-shabaab


Khamiis, May, 18, 2023 (HOL) - Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa Maanta Dekada magaalada Muqdisho ku qabtay agab iyo saanad ciidan oo la sheegay in loo waday Ururka Al-Shabaab.

Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Saanada ciidan ee Maanta gacanta ku dhigeen in lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan loo soo galinaayay gudaha dalka, islamarkaana hay'adda ay la socotay  dhaqdhaqaaqa agabkaan, wadanka laga soo qaaday iyo mudadii laga shaqaynayay intaba.

Waxaa sidoo kale ay sheegtay NISA iney ka war haysay dhaqdhaqaaqa iyo xiriirka shabakad balaaran oo kala joogtay dibada, Muqdisho iyo gobalada dalka, kuwaas oo ka wada shaqaynayay soo iibinta soo rarista, soo dajinta dekada ilaa gaarsiinta gacanta kooxda Al-shabaab.

"Dhammaan Shabakadii ka shaqaynaysay arrintaan oo ka kooban in ka badan 10 ruux ayaa NISA ay ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto iyadoo qofna uusan ka baxsan. ilaa iyo afar Gaari oo loo diyaariyay in lagu qaado qalabkaan si ay u gaarsiiyaan gacanta Cadowga Khawaarijta ah ayaa sidoo kale uu qabtay sirdoonka Somalia. Sirdoonka Somalia wuxuu gacanta ku dhigay Alaabo u socday Cadowga oo laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay NISA.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay iney ku jiraan dadkaan gacanta ay ku dhigtay ganacsato waa weyn oo ay dowladda ogolaasho u siisay in dalka ay keenaan badeecooyinka kala duwan.

"Dekada iyo Airport waa labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa cadayn u ah shaqada adag ay haayaan Hay’adaha ammaanka wadanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeena. Dadka loo qabtay howlahaan waxaa ku jira Ganacsato kuwaas oo dowladdu ay siisay ogolaasho ah inay wadanka keenaan waxyaabaha ay u baahanyihiin dadkeena laakiin taas badalkeeda waxaa muuqata inay dalka soo galinayaan wax halis ku ah dalka iyo dadka" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay NISA.

Gabagabadii Taliska NISA ayaa sheegay iney ka go’an in talaabo adag laga qaado  qof kasta oo ku lug yeesha u kaalmeynta kooxda Al-shabaab ee dhibaatada badan ku hayso shacabka Soomaaliyeed.