4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 18, 2023
SSC-Khaatumo oo Somaliland ku eedeeysay in ay soo weerartay

Khamiis, May, 18, 2023 (HOL) - SSC-Khaatumo ayaa ciidamada Somaliland ku eedeeysay in ay weerar dhowr jiho ah oo gardaro ah kusoo qaadeen.

Warsaxafadeed ay SSC soo saartay ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay soo weerareen fadhiisimada xoogaga deegaanka, isla markaana ay iska difaaceen weerarka.

"Waxaa saaka dhawr jiho oo kala ah galbeedka, bariga iyo aagga Maraaga weerarro gardarro ah kaga soo qaaday magaalada Laascaanood malayshiyada soo duushay ee maamulka Somaliland, iyadoo ay Xoogagga Difaaca Shacabka SSC-Khaatumo iska difaaceen weerarradaas".

Waxa warsaxaafadeeda lagu sheegay in dagaalku uu socdo isla markaana, ciidamada SSC ay guulo wax ku ool ah ka xaqiiyiyeen furimaha dagaalka, wali Somaliland wax war ah kama soo saarin dagaalka maanta.

Dagaalka maanta ayaa kusoo beegmay xili guud ahaan Somaliland looga dabaaldayago xuska 18 May, madaxweynaha Somaliland ayaana sheegay in dagaalku soconayo ilaa inta xuduudkii gumaystaha ee Somaliland la gaadhayo.