4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 16, 2023
Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho kasoo dajiyay eedeysane dil loo heysto oo u baxsaday dalka koofurta Suudaan
 

Talaado, May, 16, 2023 (HOL) - Booliiska Soomaaliya oo kaashanaya Booliiska Aduunka ee Interpol ayaa Xalay magaalada Muqdisho kasoo dajiyay Zakariye Cali Axmed Cosoboow oo ku eedeysan inuu dilay laba Xidigle Cali Xasan Siyaad oo ay ka wada tirsanayeen Booliiska Soomaaliya.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in edeysanahaan uu dil bareer ah uu ugu geystay degmada Deyniile 27-kii bishii Julaay ee sanadkii lasoo dhaafay 2022.

"Diyaaraddii sidday eedeysane Sakariye Cali Axmed Cosobow ayaa soo gaartay Muqdisho, waxuu 27-kii July 2022 uu dil bareer ah u geystay Marxuum Cali Xasan Siyaad (Cali Tareen) kaddibna uu u baxsaday Koofurta Suudaan, Booliiska Soomaaliyeed oo kaashanaya waaxda arrimaha dibadda ee Interpol la shaqeysa ayaa suurageliyay in eedeysanaha lasoo qabto oo Booliiska Koofurta Suudaan soo wareejiyo” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya.

Afhayeenka Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in eedeysane Zakariye kiiskiisa ay la wareegtay Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

“Ujeedku wuxuu ahaa in qof kasta oo fal dambiyeed noocan oo kale ah dalka ka geysta in meel kasta laga soo qaban karo” ayuu yiri Afhayeen Doodishe.

Booliiska Soomaaliya ayaa talaabadaan ku sheegay iney tusaale ugufilan tahay kuwa dambiyada gala ee dalka ka baxsada in meel walba ay tagaan laga soo qaban doono.