4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 30, 2023
Madaxweyne Geelle: Waxaanu noqon doonaa dalka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada
 

Khamiis, Maarso, 30, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in dalkiisu noqon doono dalka ugu dambeeya ee aqoonsada Somaliland. Wuxuu sheegay in dawladiisu aqoonsan doonto Somaliland ka dib marka heshiisyo wada gaaraan caalamka.

Geelle oo waraysi siiyay jariirada afka Faransiiska ku baxda ee Jeune Afrique, ayaa la waydiiyay hadii ay qorshaha ugu jirto in uu aqoonsado Somaliland-ta 32 sanno jirsatay, wuxuuna ku jawaabay in dalkiisu uu noqon doono ka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsi siiya.

"Waxaanu noqon doonaa dalka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada, maxad u doonaysa in aad dhibaatooyin kale uga abuurto xuduudahayaga?" Ayuu yidhi Geelle oo u muuqday in aanu rabin in uu la colaytamo dowlada Soomaaliya.

Geelle ayaa intaa ku daray in uu saaxiib la yahay dhamaan madaxda gobolka isla markaana uu ixtiraamayo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

"Madaxda gobolku waa saaxiibadayo, waxaananu la leenahay xidhiidh nabadeed, sida xidhiidhka aanu Soomaaliya la leenahay, kala duwanaanshuhu waxa weeyaan in Soomaaliya tahay waddan federal ah, oo aanu madaxbannaanida dhuleed ixtiraamayna" ayuu yidhi Geelle.

Inkasta oo Jabuuti ay kamid tahay dalalka dhowrka ah ee xafiisyada dibulumaasiyadeed ku leh Somaliland, haddane Madaxweyne Geele ayaa wuxuu wareysiga ku sheegay in aqoonsiga Somaliland oo marka hore ka yimaado heshiis ay wada gaaraan dawladaha deegeenka.


** Maqaalkan qayb ka mid ah ayaa dib loo qoray 2-dii April si uu u muujiyo sixitaan lagu sameeyay hadalkii Madaxweyne Geelle.  Sixitaanku waxa uu muujinayaa "in aqoonsiga Somaliland uu ku iman karo oo keliya heshiis ay wada gaaraan caalamka iyo dawladaha gobolka".