4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 30, 2023
Beesha Gaaljecel oo shir ka yeelatay wajiga labaad ee howlgalada ka dhaka ah Al-shabaab

Khamiis, Maarso, 30, 2023 (HOL) - Beesha Gaaljecel Saransoor ayaa soo saartay war murtiyeed iyo go'aano culus oo la xiriira wajiga labaad ee Howlgalka ka dhaka ah Al-shabaab oo lagu wado inuu dhawaan ka bilaawdo gobolada dalka.

Qeybaha kala duwan ee Beesha Gaaljecel ayaa Shirweyne ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga arinsadeen qodobo dhowr ah oo ka mid ah sidii beesha ay uga dhex muuqa laheyd wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qodobada War murtiyeedka Beesha Gaaljecel waxaa ka mid ahaa in Beesha ay dowladda Soomaaliya ka dalbatay in howlgalada laga bilaabo deegaanada baaxada leh oo ay ka degan tahay Beesha Gaaljecel sadax maamul goboleed.

Beesha Gaaljecel Saransoor ayaa qodobada war murtiyeedka ah ee shirkooda kasoo baxay waxaa sidoo kale ay ku sheegtay in Beesha ay diyaar u tahay wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab ayna soo dhaweyeyso dagaalada dalka dib looga xureynayo Shabaab.

War murtiyeedka Beesha Gaaljecel waxaa sidoo kale lagu bogaadiyay guulahii laga gaaray howlgaladii dib u xureynta deegaanada oo Al-shabaab looga saaray meelo badan oo ay maamulayeen i ka badan 15 sano.

Hoos ka Daawo War murtiyeedka oo dhameystiran:-