4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2023
Isimada SSC oo beeniyay inay wax heshiis ah la galeen ergada nabadeed ee ka yimid Muqdisho

Arbaco, Maarso, 29, 2023 (HOL) - Isimada gobolka Sool ee SSC ayaa waxay beeniyeen inay wax heshiis ah ama wada hadala la galeen ergada nabadeed ee ka yimid magaalada Muqdisho ee xalka nabadeed u raadinaya colaadda ka aloosan magaalada Laascaanood.

Suldaan Mustafe Aw-Seed oo Garowe kula hadlay saxaafadda, ayaa sheegay wararka lagu baahiyay baraha bulshada in aanay waxba ka jirin, isagoo sheegay ergada ka yimid Muqdisho in ay soo dhoweeyeen, una fududeeyeen inay gaaraan magaalada Laascaanood.

Suldaanku wuxuu sheegay inay ka aqbaleen in xabbada la joojiyo islamarkaana nabad lagu dhameeyo colaadda ka jirta gobolka Sool.

Wuxuu sheegay sababta ay Garowe ugusoo dageen inay tahay, in Garowe ay tahay dariiqa ugu sahlan ee loo maro  Laascaanood.

Wuxuu sheegay inay rajeynayaan inay ergadu gaaraan magaalada Hargeysa, si ay farriintooda nabadeed u gaarsiiyaan dhinaca Somaliland.

Hadalka Suldaan Mustafe, ayaa kusoo beegmay xilli ergada Muqdisho ay kasoo laabteen magaalada Laascaanood, islamarkaasna ay soo baxayaan warar sheegaya in Somaliland aanay ogolayn dhexdhexaadintooda.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Somaliland ayaa ka horyimid in ergada Muqdisho ka yimid loo oggolaado inay tagaan Hargeysa, iyagoo ku eedeeyay in aanay  ahayn ergo dhex dhexaad ah ama aysan jirin sabab keeni karta in ay waan waan ugu yimaadaan Somaliland, iyagoo fadhigoodu yahay magaalada Garowe.