4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2023
Millateriga Somaliland oo ka hadlay dagaalka la filayo in uu ku qaado xoogaga kasoo horjeeda

Arbaco, Maarso, 29, 2023 (HOL) - Millateriga Somaliland, ayaa sheegay in uu wado howlgal lagu soo dabaalayo nabadii iyo daganaanshihii magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool.

Qoraal lagu daabacay boga Twitterka ee ciidanka millateriga, ayaa lagu soo hadal qaaday saldhiga Gooja-cadde iyo howlgal la sheegay in lagu soo celinayo nabada Laascaanood.

"Saldhiga Gooja-cadde waxa as aasay Ciidamada Difaaca Somaliland, waxaana taageeray qaramada nabada iyo dimuquraadiyada jecel ee beesha caalamka, hada howlgalka nabad soo celinta ee socda u jeedadiisa ugu wayni waxa weeyi in nabad iyo daganaansho Laascaanood lagu soo celiyo".

Kadib dagaalo soo noq noqday oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo ciidamo beeleedyo reer Laascaanood ah iyo ciidamo beeleedyo uga soo gurmaday dhanka Puntland, millateriga Somaliland ayaa 26 bishan sheegay in uu talaabo millateri oo qorshaysan qaadayo.

Dhawaqa kasoo baxay ciidanka ayaa  ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah, kadib muddo 2 bilood ah oo ay Somaliland xabad joojin ku dhawaaqasay, garaadada Laascaanood ku sugan ayaa iyaguna dhankooda sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan Somaliland.

Dadaalo la doonayay in labada dhinac nabad looga dhex dhaliyo ayaa badan koodu guuldaro kusoo dhamaaday, hadana waxa Laascaanood ku sugan odayaal Muqdisho ka yimid oo sheegay in ay xal raadisyihiin, lamana oga halka ay caga dhigan doonto waan waanta odayaashu.