4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 28, 2023
Dowladda Soomaaliya oo Maanta Gaadiid Dagaal kala wareegtay dowladda Turkiga
 

Talaado, Maarso, 28, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ay wehlinayeen masuuliyiin uu ka mid yahay Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta gaadiid ciidan kala wareegay dowladda Turkiga.

Wasiirka Gaashaandhiga iyo masuuliyiinta kale ayaa Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho kula wareegay Gaadiid dagaal oo loogu talo galay ciidanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidanka Gorgor.

Gaadiidkaan ciidan oo ah nooca Soomaalida ay u taqaano Cabdi Bilaha ayaa Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya waxaa ku wareejiyay masuuliyiin ka socotay Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in lasoo gaarsiiyay waqtigii loo baahna.

"Waxaan maanta dekada Muqdisho kula wareegey gaadiid ay noogu deeqdey Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga. Gaadiidkaan oo loogu tala galey in lagu tayeeyo Ciidamada Xooga gaar ahaan GorGor, ayaa waxay keenistooda ku soo aadey wakhti Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda ay dagaal kula jiraan Khawaarijta Shabaab" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Dowladda Turkiga waxay ka mid tahay dowladdaha sida weyn u taageera dowlada Soomaaliya, waxaana xusid mudan in dalkeeda ay kusoo tababarteen ciidamo fara badan oo ka mid ah kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, islamarkaana haatan qeyb ka ah dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Gabagabadii Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo dowlada Turkiga taageerada ay la garab taagan yihii dowladda Soomaaliya.