5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 28, 2023
Digniin: Fatahaado ballaaran oo laga filan karo webiga Shabeelle oo sameeyay sarakicii ugu weynaa
 

Talaado, Maarso, 28, 2023 (HOL) - Digniin ayaa laga bixiyay fatahaado weyn oo uu samayn karo webiga Shabeelle kadib markii roobab lixaad leh ay ka da'een buuralayda sare ee Itoobiya.

Dad ku sugan magaalada Godey iyo deegaano kale oo katirsan dhulka degaanka Soomaalida, ayaa kusoo waramaya in webiga Shabeelle uu sameeyay sarakicii ugu sarreeyay muddo dhowr sano ah.

Biyaha webiga ayaa kor u kacay 1.25 Mitir, waxaana la sheegay marka uu heerkaan gaaro inuu samayn karo fatahaad aad u ballaaran, taasoo galaafan karta nolasha dad badan, iyada oo fatahaadu ku faafi karto dhul ballaaran oo aan la qiyaasi karin.

Webiga ayaa hadda fahataad ka sameeyay degaano badan oo kuyaala degaanka Soomaalida, isagoo dhibaato weyn u geystay dhul beereed.

Meelaha digniinta laga bixiyay waxaa kamid ah magaalada Baladweyne oo caan ku ah in mar walba fatahaada webiga Shabeelle ay dhibbane u tahay, inkastoo aad looga digayo in halistu sidii hore ka ballaaran tahay, loona baahan yahay in laga fogaado meelaha webiga fatahaada ka samaynayo.

Dowladda Soonaaliya iyo maamulka Hirshabeelle weli wax digniin ah ma aysan bixin, xilli ay qeylo dhaan weyn kasoo yeerayso degaanka Soomaalida Ethiopia, halkaas oo uu webiga biyaha kasoo qaado.

Horraantii 2020 ayay ahayd markii Fatahaad weyn ay ka dhacday magaalada Baladweyne, halkaaa oo ay dad badani ku dhinteen, hanti badanna ay ku luntay, walina waxaa muuqda inaan cashar laga baran dhibaatooyinka ay sababeen fatahaadu.

Waxaa intaas sii dheer, meelihii laga xiray webiga ee fatahaadu ka imaan jiray ayaa la burburiyay, taasoo sii kordhinaysa halista fatahaada la filan karo.