4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 26, 2023
Somaliland oo sheegtay in ay Laascaanood ku qaadayso dagaal
 

Axad, Maarso, 26, 2023 (HOL) - Millateriga Somaliland ayaa sheegay in ay weeraro qorshaysan ku qaadi doonaan xoogaga kula dagaalamaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Afhayeenka Ciidanka Millateriga Cabdi Cabdillaahi Xasan Cabdi dheere, ayaa sheegay in Somaliland dulqaadkii ka dhamaaday isla markaana ay weerar ku qaadi doonaan xoogaga kasoo horjeeda.

"Somaliland intii ay dulqaadanaysay way dulqaadatay, anagu warqad yar oo la xar xariiqay soo dhigi mayno websayada, lakiin dagaal qorshaysan oo millateri ayaanu qaadi doonaa, wax badan ayaanu gacmaha laabanaynay" ayuu yidhi Cabdidheere.

Waxa uu digniin u diray ciidamo beeleedyada kasoo gurmaday Puntland ee ku sugan Laascaanood wuxuuna sheegay in reer Laascaanood iyo ciidanku heshiin doonaan, lakiin ay dagaal la galayaan ciidamada deegaanada kale ka yimid.

Waxa uu sheegay in kooxo Al-shabaab ah oo uu sheegay in ay magaalada joogaan ayna ka bixi doonin oo ay ku dagaalami doonaan, lakiin ay xoog kaga saari doonaan.

Waa markii ugu horaysay ee ay Somaliland si rasmi ah ugu dhawaaqdo in ay dagaal qaadayso iyadoo dhowr jeer oo hore ku dhawaaqday xabad joojin.