4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Uganda si uu tababar ugusoo xiro ciidamo
 

Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caawa magaalada Kambaala ee dalka Uganda.

Safarka madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku saabsan tababar uu usoo xirayo cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar ku qaadanayay dalka Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Uganda doorka ay ka qaadanayso dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed ee wajahaya dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo uu sheegay inay aas-aas u yihiin dowladnimada iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo Alshabaab.

Madaxweynaha dalka Uganda ayaa horey u ballanqaaday inuu dalkiisa ka caawinayo Soomaaliya tababarka ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Museveni ayaa  aaminsan in xalka amni ee Soomaaliya uu ku jiro dib u dhiska ciidanka qaranka Soomaaliya si ay masuuliyadda ugala wareegaan ciidamada midowga Afrika ee ATMIS.