1/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 3 , 2023
Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay iney ka hortageyso faafinta wararka been abuurka ah
 

Sabti, Juun 3, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta Muqdisho ka furay Shirweynaha Aragti wadaagga xakameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo saameynta Taban oo ay bulshada ku leeyihiin ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ka go'an tahay la dagaalanka wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah Amniga Qaranka iyo sumcadda Bulshada.

Raysal wasaaraha ayaa shirkaan oo socon doona mudo laba maalmood ah ka sheegay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada looga baahan yahay iney si xilkasnimo leh ugu istaagaan ka hortaga dhibaatooyinka iyo faafitaanka wararka ka fog xaqiiqada ee sumcad dilaya dhaqanka wanaagsan iyo dowladnimada.

"Ra'iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay  in faafinta wararka aan sugneyn ay khatar weyn ku yihiin amniga qaranka, nabadgelyada iyo wadajirka ummadda, gaar ahaan marka ay faafiyaan argagixisada iyo kuwa lamidka ah ay noqon karto hub wax burburiya. Xukuumadda DanQaran ayuu xusay Ra'iisul Wasaaruhu in ay  qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo lagula xisaabtamayo kooxaha lagu helo in ay si ula kac ah u faafiyaan wararka been abuur ah, gaar ahaanna kuwa la xiriira amniga qaranka iyo kala qeybinta bulshada" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha.

Shirweynahan uu Maanta Muqdisho ka daahfuray Raysal wasaare Xamse oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa inta uu socdo la isku waydaarsan doonaa doodo cilmiyaysan oo ay ka qayb qaadanayaan hawlwadeeno ka kala socda hay'adaha dowladda, warbaahinta gudaha dalka, bulshada rayidka, culimada iyo khuburo caalami ah.