Hiiraan Online
1/15/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Jan 8 , 2023
Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Al-shabaab wax wada xaajood ah lagula jirin
Axad, January, 8, 2023 (HOL) - Lataliyaha dhanka amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay inuusan waxba iska badalin mowqifka dowladda ee ku aadan dagaalkanka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Lataliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin ayaa beeniyay in Al-shabaab ay dowladda kasoo codsatay wadahadal, waxaana xusid mudan in shalay uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim in kooxda Al-shabaab ay dowladda kasoo codsatay wadahadal.
“Dowladda waxaa ka go'an la dagaalanka kooxda Shabaab, mana jirto wax wada xaajood ah oo aan kula jurno, waxaana la marin doona qofki shabaab ah ee isa soo dhiiba nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee dowladda” ayuu yiri Lataliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud.
Hadalkaan kasoo yeeray Lataliyaha amniga qaranka ayaa imaanaya, iyadoo kooxda Al-shabaab qudheeda ay beenisay wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay wadahadal.