4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 3 , 2023
Dagaal culus oo goordhaw ka dhacay deegaanka Helabacaad ee gobolka Hiiraan
 

Talaado, January, 3, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Helabacaad oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidamada dib u xureynta deegaanka ay weerar ku qaadeen deegaanka Helabacaad oo la sheegay in dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo kasoo talaabay wabiga ay halkaasi isku aruursanayeen.

Dagaalka labada dhinac ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid socday ku dhawaad 30 daqiiqo oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, hayeeshee lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in ciidamada dib u xureynta deegaanka oo kasoo ruqaansaday deegaanka Baardheere ay dagaal xoogan kula galeen Ururka Al-shabaab deegaanka Helabacaad oo dhaca jiinka wabiga Shabeelle.

"Ciidamo ka tirsan shabaab ayaa kasoo talaabay wabiga dhankiisa Galbeed, lakiin ciidamada dib u xureynta oo ka war helay ayaaa soo weeraray dagaal xoogan ayaana dhexmaray, ma hubo khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse shabaabkii soo gudbay dib ayay wabiga uga gudbeen" ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaanka.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ee laga saaray deegaanada iyo degmooyinka Bariga gobolka Hiiraan ayaa inta badan kasoo talaaba wabiga Shabelle oo kala qeybiya Bariga iyo Galbeedka gobolka Hiiraan, kuwaas oo si dhuumaaleysi ah weeraro gaadma ah uga geystay deegaanadii laga saaray.