1/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2023
Duqeyn lagu dilay 40 ka mid ah Al-shabaab oo ka dhacday nawaaxiga degmada Xarardheere

Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal ay barbar socdeen duqeymo dhanka cirka ah  oo la sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen deegaanka Beer Faarax oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay 40 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaayay deegaanka Beer Faarax oo dhaca Koonfurta gobolka Mudug.

Waxay sidoo kale sheegeen Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaan iney ciidamada dowladda si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Beer Faarax.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-shabaab oo ku aadan khasaaraha lagu gaarsiiyay howlgalka weerarka iyo duqeynta is barbar socotay ee Maanta looga saaray deegaanka Beer Faarax ee gobolka Mudug.

Al-shabaab ayaa bishaan Janaayo ee sanadkaan 2023 si aad ah u kordhiyay weerarada Ismiidaaminta ah oo ay ku beegsanayaan fariisimaha ciidanka dowladda Soomaaliya oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay Shabaab kala wareegay deegaano iyo degmooyin badan ay ka talineysay kooxda 10 kii sano ee lasoo dhaafay.












Click here
1/23/2023 9:04 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa imaanshiyaha Garaad Jaamac Garaad Cali 15 sanno kadib ku yimid Laascaanood ku tilmaantay nin gurigiisii yimid.

1/23/2023 8:31 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir weynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu horay ugu baaqay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

1/23/2023 6:19 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC, ayaa maanta si ballaaran loogusoo dhoweeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ay ugu dambeeysay sannadkii 2007, xilligaas oo Laascaanood ay la wareegeen Somaliland.

1/23/2023 3:16 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaare kala duwan oo saacadahii lasoo dhaafay ku dhexmaray deegaanka Sijngaleyr oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.

1/23/2023 1:15 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah isinka guud ee beelaha SSC ayaa maanta markii ugu horreysay 15 sano kadib tagaya magaalada Laascaanood.

1/23/2023 12:33 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay falkii ay mas’uuliyiinta Sweden ugu ogolaadeen nin xag-jir ah inuu ku gubo safaaradda Turkiga ee magaalada Stockholm horteeda kutub ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah, Sabtidii January 21.

1/23/2023 12:23 AM EST
Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ku saabsan Tulli-guuleed, Jigjiga iyo Diridhabe oo maalmihii u dambeeyay ka dhex guuxayay maskaxda shacabka dowlad degaanka Soomaalida.