12/8/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 22, 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in lasoo afjaray Shabaabkii gudaha u galay xarunta gobolka Banaadir

Axad, January, 22, 2023 (HOL) - Ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad ayaa goor dhowayd ku guulaystay inay soo afjaraan kooxdii Alshabaab ee weerarka ku qaadday xarunta gbolka Banaadir.

Maydadka Shabaabkii ka dhex dagaalamayay gudaha xarunta gobolka Banaadir ayaa lasoo bandhigay, kuwaas oo ay ciidamadu dileen, kadib howlgal saacado qaatay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga ay fuliyeen hawlgal lagusoo badbaadinayay masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku go’doonsanaa xarunta iyo soo afjarida kooxda weerarka qaadday oo ka koobnaa 6.

Dowladdu waxay sheegtay inay weerarka ku geeriyoodeen 5 ruux oo shacab ah, afar kalena way ku dhaawacmeen.

Waxay dowladdu sheegtay in kooxda weerarka fuliyay ay ahaayeen kuwo goobta ku yimid iyagoo lugaynaya iskuna ekaysiiyay Ciidamada Qaranka.













Click here
1/22/2023 10:25 AM EST
Axad, January, 22, 2023 (HOL) - Waxaa wali ka socda gudaha xarunta Aqalka dowladda Hoose ee Xamar dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaal ka tirsan shabaab oo duhurnimadii Maanta halkaasi ku galay weerar qaraxyo ku bilaawday.

1/22/2023 5:42 AM EST
Axad, January, 22, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa cafis u fidiyey askartii dhowaan ka qeyb qaadatay shaqaqadii ka dhacday magaalada Baydhabo.

1/22/2023 5:23 AM EST
Axad, January, 22, 2023 (HOL) - Qaraxyo aad u xoogan oo Ismiidaamin ah ayaa goordhaw laga maqlay jugtooda inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lasoo sheegayo iney ka dhaceen nawaaxiga xarunta maamulka gobolka Banaadir.

1/22/2023 3:33 AM EST
Axad, January, 22, 2023 (HOL) - Howlgalka Midowga ee ATMIS ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya xerada Maslax ee degmada Huriwaa, halkaas oo ay haysteen tan iyo sanadkii 2012-kii.

1/22/2023 1:12 AM EST
Axad, January, 22, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare badan geystay oo Xalay ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kasoo damintiisa ay qaadatay saacado badan.

1/22/2023 12:35 AM EST
Axad, January, 22, 2023 (HOL) - Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Mudug ayaa howlgalo qorsheysan ku qabtay saddex Horjooge oo ka tirsan kooxda Alshabaab.